HomeUncategorized

Danjire Micheal Keating oo si kulul uga hadlay qaraxyadii Muqdisho.

Muqdisho, Feb 19 2017-Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

Madaxweynaha Soomaaliya oo xariga kajiray jidka wadnaha.
DHEGEYSO-Qaar kamid ah ganacsatada gaadiidka Boosaaso oo cabanaya.
Francois Hollande oo maanta loo dhaarinayo madaxtinimada Faransiiska

Muqdisho, Feb 19 2017-Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keatig ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii shalay ka dhacay  Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir.

“Waxaan cambaareynayaa weerarki argagixiso ee naxdinta lahaa , kaas oo lagu beegsaday dad rayid ah oo aan waxba galabsan, weerarkaas oo ay ka dhalatay  khasaaro baaxad weyn. Xeeladaha aan kala sooca lahayn ee lala beegsanaayo dadka Soomaaliyeed waa fal naxariis darro ah waana dembi mudan in la cambaareeyo.” ayuu yiri Keating.

Wuxuu ammaan u jeediyay shaqaalaha hay’adaha amniga iyo caafimaadka gurmadkii degdegga ahaa ee ay u fidiyeen dadkii ku waxyeelloobay qaraxa isaga oo soo jeediyay in caddaaladda la hor geeyo dadkii ka dambeeyay Qaraxaasi.

“Waxaan sii xoojineynaa taagerada aan ku taageereyno dadka Soomaaliyeed sida ay uga shaqeynaayaan xaqiijinta rajadooda ku aadan mustaqbal xasilooni iyo nabad ay ku dheehantahay.” ayuu raaciyay.

Micheal Keating  ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska iyo saaxiibada dhammaan dadkii dhibku ka soo gaaray Qaraxii shalay.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: