Danjire Michael Keating oo Hambalyo u diray Shacabka Somaliyeed

Danjire Michael Keating oo Hambalyo u diray Shacabka Somaliyeed

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, ayaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda sanad-guurada 58aad ee kasoo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

“Hambalyo! Tani waaa maalin aad ugu weyn dhammaan dadka Soomaaliyeed, ee ku nool wadanka iyo dunida dacaladiisa, In kastoo ay jiraan dhibaatooyin badan oo ay sii wajahayaan wali, haddana Soomaalida waxay ku faani karaan horumarka la sameeyay,” ayuu yiri Mudane Keating. “Dabaal-deggani wuxuu kusoo aadayaa xilli ay jirto fursad siyaasadeed iyo rajo badan oo laga qabo nabadgalyadda iyo mustaqbal wanaagsan.”

“Waxaan si diirran u amaanayaa Madaxweynaha, Ra’iisul iyo dowladdiisa inay ka go’an tahay in ay dib u habeyn ku sameeyaan dhan kasta ha ahaato dhaqaalaha, amniga ama arimaha siyaasadeed, waxayna ku boorinayaan dhammaan hoggaamiyeyaasha, ha noqdaan qaybaha dadweynaha guud ama qaybaha gaarka ah, in ay la shaqeeyaan iyaga si ay u gaaraan natiijooyinka {Himilooyinka} dadka. Gaar ahaan Dhalinyartu waxay ka rajeynayaan hoggaamiyayaashooda waddanka shaqooyinka iyo fursaddo, xasilooni xag amniga ah iyo helitaanka adeegyada kale.”

“Wax badan ayaa laga guul gaaray 12 bilood ee lasoo dhaafay. Waxaa laga hortegay [inay dillaacdo] macluul soo fool lahayd, iyadoo la kordhinayo dakhliga iyo deeqaha, loo marayo sharciyo muhiim ah iyo iyado la cadeynayo xirirka shaqo ee ka dhaxeeya Xukuumadda federalka iyo maamul goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda, iyado ay sii dheertahay dib u eegista dastuurka iyo hanaanka doorashooyinka, iyo dib u habeynta qeybaha amniga”

“Wadada horteena ah waa mid aad u dheer, caqabadahuna waa in aan la dhayalsan, ugu yaraan awoodda burburinta rabshadaha xagjirnimada iyo khatarta khilaafka siyaasadeed iyo khilaafaadka kale waxay wiiqi doonaan dadaalada lagu doonayo in lagu gaaro natiijooyin faa’iido u leh Soomaalida. Laakiin ajandaha ay dawladdu samaysay waa mid wanaagsan oo u qalma midnimada qaranka iyo taageerada caalamka waqtigan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com