Danjire Kay oo Canbaareeyay Xariga wariyayaal ka tirsan Universal

Isniin, Oktoobar 05, 2015 (Daljir) —War kasoo baxay xafiiska ergeyga gaarka ah ee xoghayah guud ee Qaramada Midoobey uqaabilsan arrimaha Soomaaliya danjire Nickolas Kaya ayaa siweyn loogu cambaareeyey xarigii ay ciidamada nabad sugida ee dowladda federalka ah 2dii October u geysteen suxufiyiin kahowlgelayey TVga Universal.

“Waxaa aad muhiim u ah in ay warbaahintu ahaato mid xor ah, madaxbanaan, kalana duwan”, ayuu yiri Ergayga gaarka ah, Nikolas Kay. “Xuriyatul Qoolka waxa ay ka midtahay xuquuqda aasaasiga ah, waxayna muhiim u tahay sidii lagu abuuri lahaa jawi horumariya dooda ama afkaarta dadka iyo sidii ay dadwaynaha ooga qaybqaadan lahaayeen geedi socodka doorashada 2016 iyo habka qaran iyo dhowlad dhisid eek a socda Soomaaliya.

Xiritaanka labada wariye wuxuu la xariiraa doodii laga sii daayay Telefishinka Universal 30kii Sebtember 2015.

Eryaga Gaarka ah Kay wuxuu oogu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay si dhakhso leh talaabo u qaado so loo xaqiijiyo amaanka iyo Xuquuqul-insaanka wariyayaasha.

By: Abdirashiid

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com