Danjire Kay oo Canbaareeyay Qarax ka Dhacay Muqdisho

Khamiis, Juun 25, 2015 (Daljir)_Ergayga Qaramada Midoobay ee arimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii lala beegsaday wafdiga Imaaraadka Carabta ee Muqdisho ka dhacay, kaasoo dhaliyay khasaare nafeed, mas\’uuliyaddiisana ay sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay in ku dhow 10-qof oo isugu jiray askar iyo shacab goobta ku sugnaa, kaasoo loo adeegsaday baabuur waxyaabaha qaraxa laga soo buuxiyay, wuxuuna ka dhacay agagaarka isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan.

\”Waxaan cambaareynayaa weerarkii maanta lala beegsaday wafdi ka socda dalka Imaaraadka Carabta, kuwaasoo howlo lagu caawinayo Soomaaliya ka waday Muqdisho,\” ayuu danjire Kay ku yiri warbixin uu soo saaray, isagoo intaas ku daray.

\”Weerarkan waa mid lagu beegsanayay wufuudda beesha caalamka ee ka shaqeynaya dib u dhiska Soomaaliya, balse argagaxisadu kuma guuleysan doonaan ujeeddooyinkooda.\”

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com