Danjire Ameeriko oo la Sagootiyay

Khamiis, Abriil 23, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha wadanka Kenya Uhuro Kenyatta oo ay weheliyeen wasiirka arrimaha dibadda dalka Kenya Amina Maxamed Jibriil iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Kenya ayaa munaasabad sagootin ah magaalada Nairobi ugu sameeyey danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey Kenya Maxamed Cali Nuur Ameriko.

Danjirihii hore ee Soomaaliya u fadhiyey magaalada Nairobi Maxamed Cali Nuur Ameriko ayaa dowladda iyo dadka Kenya uga mahadceliyey sidii wanagsanayd ee ay ula shaqeeyeen mudadii uu ahaa safiirka Soomaaliya ee wadanka Kenya oo ay Soomaaliya dano badan wadaagaan.

Dhinaca kalena madaxweyne Kenyatta ayaa Ameriko uga mahadceliyey mudadii dheerayd ee uu hayey xilka madaxtinimada wadankaasi sidii wanaagsanayd ee uu uga shaqeeyey wanaajinta xiriirka labada wadan iyo horumarinta siyaasadda iyo danaah labada dal.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com