DAMACII DHUL-BALLAARSI & DARBIGII AQOONSIGA SOMALILAND OO KU DUMAY MAALMO KOOBAN & MURUQA SHACABKA

Somaliland fashil xooggan iyo wajigabax ayey kala kulantay qaddiyadda Sool kaddib markii siyaasiyan iyo ciidan ahaanba ay ugu guuldarraysatay maaro-u-helka mawjadaha kacdoon ee dadka deegaanka, kuwaasi oo ka gilgishay gabboodfalladii 15 jirsaday ee Somaliland ku haysay dadka reer Sool, Saanag iyo Cayn (SSC).

Kacdoonka SSC waxa uu abuuray midnimo bulsho, mid dhaqaale iyo waliba mid siyaasadeed oo quusgooyey Somaliland, kaddib markii Issimada dhaqanku ay soo saareen go’aamo adadag oo muujinaya midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed, farayana Somaliland in ay iskaga baxdo guud ahaanba gobolada SSC. Isla go’aamadaas ayaa tilmaamay in Somaliland gobolka ka geysatay gabboodfallo isir ku salaysan, laguna laayey wax-ku-ool badan oo reer SSC.

Taasi waa fashilka siyaasadeed ee Somaliland, waxaa se sii gilgilay oo damacii dheeraa ee Somaliland bohol ka sii tuuray iskudaygii maquunin iyo adeegsi awood ciidan oo lagu cabburiyo rabitaanka iyo iraadada bulshada gobolka, oo markale ciidamada deegaanku ay ka hortageen, gaashaankana ku dhufteen damacii Somaliland ee qori caaraddi.

Dagaalka oo subaxnimadii hore ee shalay biloowday gabbalka ayaa iskugu dumay, khasaare badan oo dhimasho, mid dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaa ka dhashay, waxaana Somaliland ay ku wayday askar badan, gaadiid dagaal, saanad ciidan iyo fariisimo ciidan oo ay muddo 15 sano ah Somaliland ka abuuraysay gobolka, hal maalin se ugu gacangalay ciidamada difaaca deegaanka iyo kacdoonka baluugan ee gobolka ka curtay. Waxaa kale oo Somaliland kacdoonka buluugga ku weyday kumannaan askari oo u dhashay gobolka, 15kii sano ee la soo dhaafayna qayb ka ahaa ciidamada cabburinta gobolka, laakiin se dhammaantood isla subixiiba ku biiray ciidamada difaaca deegaanka.

Xalay iyo saakaba waxaa xiran waddooyin muhiim u ahaa isku socodka iyo taakuleynta ciidamada Somaliland ee gobolka xoogga hore ugu joogay, gaadiid dagaal iyo gurmadyo ciidan oo meelo kaladuwan ka kala yimid ayaana soo buuxdhaafshay gobolka, siiba magaalada caasimadda ah ee Laascaanood, kuwaas oo ku biiray kacdoonka Somaliland looga saarayo gobolka.

Khasaaraha shacabka soo gaaray ma yara, oo intii dagaalku socday oo dhan illaa gabbal-dhicii Somaliland waxay madaafiic ku garaacaysay guryaha shacabka iyo cisbitaalka weyn ee Laascaanood, waxayna laysay dad shacab ah oo u badan haween iyo carruur.

Dhanka Tukaraq, waxaa qorraxdhac kabacdi ka biloowday dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xiriir la leh kuwa Laascaanood, laguna diiddanyahay Somaliland iyo siijoogistooda ciidda gobolka.

Isku soo wada xaaxaabiyoo, waxaa la oran karaa damacii dhulballaarsi iyo darbigii aqoonsiga ee Somaliland ay dhisaysay muddo 15 sano ah wuxuu ku dumay maalmo kooban iyo muruqa shacabka reer Khaatumo.

Diiwaanka Daljir | Daljir Media


by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com