Dalladda PUNSA ee Puntland oo ka qayb gashay shir ka socda Kampala

Kampala, Feb 8 – Shir looga hadalayo sidii loo midayn lahaa codka ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ka howlgala Puntland,Somaliland iyo koonfurta dalka Soomaaliya ayaa ka soconaya magaalada Kambala ee caasimadda dalka Uganda.

Shirkan ayaa waxaa uu socdaa maalintii afaraad,waxaana soo qabanqaabiyay hay’adda Save The world oo ururada bulshada raydidka ka taageerta dhanka maaliyadda.

Gudoomiye kuxigeenka daladda ay ku midaysanyihiin ururarada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA oo isagoo ku sugan Kamabala waraysi siiyay Radio Daljir ayaa waxaa uu sheegay shirkan inay Puntland uga qaybgalayaan 20-xubnood oo kasocda ganacsato,nabdoono iyo culimaa’udiin.

Waxaa uu sidoo kale sheegay shirka in lagu dajinayo qorshaha sadexda sano ee soo socoto ururada bulshada rayidka diiradda saarayaan,ka qaybqaadashada nabadgalyada,dimuqraadiyadda,in la maqlo codka bulshada rayidka Soomaaliyeed goobaha ay ka dhacayaan shirarka Soomalida loo qabanayo.

Shirkan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda lasoo gabagabeeyo,waxaana lagu wadaa xubnaha shirka ka qaybagalaya inay sidoo kale la kulmaan madax katirsan beesha caalamka oo ay ugu horayso dowladda Ingiriiska oo shir u qabanayso dhinacyada Soomaalida.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com