Dalka Soomaaliya maqnaan shaha doorkii Nabad sugida Qaranka ayaa keentay gabood falka shabakada maafiyada caalamiga ah ka fuliso gudaha dalkeena ( Faalo)

Waxaan shaki cidina maanta uuga jirin,in caasimadii dalkeena hooyo ay dayacantahay dhan walba mudo ku dhaw nus qarni nasiib daro.isku dayo farabadan oo lasameeyay ayaan saamixin in lagu soo dabaalo caasimada dalkeena nidaam iyo kala danbayn,taasoo ah muraayadii laga daawanaayay soomaaliya.Nina ma mooga in hadii caasimada dalkeena Mogdisho hesho amaan iyo nidaam dawli ah oo leh kala danbayn iyo amaan buuxa in ay ka turjumayso in soomaaliya tahay dal iyo dad jira. aduunkuna layeelanaayo xiriir ganaacsi loona imanaayo dalxiis iyo tamashle dalkeena.

Waxaynu wada ogsoonahay in mudo hada laga joogo 29 sanadood ay uugu danbaysay MOGDISHO sharaf iyo karaamo,nabad iyo nolol oo ay noqotay xero ama hooy dad qalato ka caagan ilbaxnimo nidaam iyo kala danbayn oo lagu qasho laguna xasuuqo aadamaha ilaahay karaameeyay. tanoo ay uugu wacan tahay waayadii ay waysay dawladnimadii ay ku lahayd qiimaha. waxaa hadaba badalay booskii dawladii kabaxday kooxo isbiirsaday oo dawlado shisheeye abuureen kuwaas oo dano guracan kale dalkeena. hadaba 3 sadex kooxood oo ah shabakada maafiyada caalamiga ah ayaa afduub ku haysta caasimadii qaranka soomaaliyeed MOGDISHO kuwaas oo kala ah sidan.

1.KOOX kugabata siyaasada dadkuna hada u yaqaan siyaasiyiinta xanaaqsan oo uu garwadeen u yahay madaxweyne hore xasan sheekh iyo gudi ka kooban fiqi,mahad salaad,odawaa,cabdishakuur.

2.KOOX kugabata ganaacsatada suuqa bakaaraha,kuwan oo masuul ka ah lacagaha lagu fuliyo hawl galada lagu gumaado shacabka MOGDISHO gaar ahaan iyo guud ahaan soomaaliya gobolada koonfureed. hantida suuqa bakaaraha taal ayaa lagu dhex qariyaa si ganaacsi loogu ekaysiiyo lacagaha dawladaha shisheeye soogaliyaan suuqa bakaaraha.cidii mogdisho ka furta suuq kale oo camirtaa markiiba waa la dilaa si loogu hayo dadka suuqa bakaaraha si aan loo fahamin lacagaha iyo hawgalada socda looguna ekaysiiyo hawsha suuqa meelshidan oo ganaacsi.

3.KOOX afka duubata marka ay fulinayaan hawlgalada si aan loo aqoon san wajigooda,iyagoo qayb kamid ahina tahay kuwa ku jira ciidamada xooga soomaaliyeed ee diiday isdiiwaan galinta iyo inay ku sugnaadaan xerada loogu tala galay kuwan oo ku gabada ciidan qaran.

Sadexdan kooxood ayaa caasimadii soomaaliyeed u afduubantahay iyaganaa fuliya qaraxyada iyo dadka lagu laayo MOGDISHO. dhaqaalahana waxay ka helaan sidaynu sheegnay dawlado shisheeye. hadafkooduna shabakada maafiyada caalamiga ah ee isku xirani waxaa weeye in helaan doolar oo kaliya. dana kamalaha diin iyo dal iyo dad midna. waxayna yihiin caqabad mudo aad u dheer hortaagan in mogdisho hesho nabad iyo dawladnimo iyagaana hoojiyay shacabka oo ka reebay facood iyo inay u noolaadaan cabsi iyo walwal la aan sida dunida.

Dawlada hada jirtaa waxay tahay dawlad ay ka go antahay in ay soo celiso sharafkii iyo nabadii dawladnimo ee MOGDISHO ay lahayd.shacabka iyo dawladana hada waa is fahmeen oo wada shaqaynayaan labada dhinacba waxay ogaadeen cadawga ku kala dhexjira ee dawlad diidka ah.

Hadaba dawladu waxay bilawday in ay goobahooda iyo halkay ka soo duulaan uugu tagto shabaabka cadawga ah,oo ay cagta mariso hawshaana waxaa fuliyay ciidamada xooga dalkeena milatariga ilaa hadana way baacsanayaan oo ku daba jiraan.ciidamada booliiskuna waxay qabteen Mogdisho kuwii ku dhuumanaayay iyagoo shacabku usoo sheegaayo xogta tanoo ah guul aad uwayn hadaba booliiska iyo milatirga soomaaliya way muu jiyeen oo aan aragnaa dadaalkooda amaanka lagu sugaayo waana u mahad celinaynaa ka shacab ahaan dad iyo dal ahaan.

DOORKII NABAD SUGIDA SOOMAALIYEED MAHAYNO!?

Nabad sugidu way ka duwan tahay ciidamada kale oo dhan,waxayna dal walba gacan bir ah ku hayaan amaanka dalkaas,iyagoo xog walba la socda garanaaya waxa ka dhex socda dawlada dhexdeeda sida baarlamaanka,golaha wasiirada,madaxtooyada iyo hay adkasta oo ah dawli ama shacab. waxay ogyihiin sirta dalka dibadiisa iyo gudihiisa. waxay ogyihiin shirkasta oo ka dhaca dalka gudihiisa meel mugdi ah habeen madoow dadkoo wada hurda kuwa kulmay ogyihiin. waxay ogyihiin iskoolada iyo jaamacadka kuwa dhiga kuwa maamula iyo kuwa dhigta iyo waxa socda. waxay ogyihiin lacagaha suuqa iyo ganaacsatada halkay ka keeneen lacagta iyo ciday ku xiran yihiin,waxay ogyihiin xawaaladlayaasha iyo dadka ku xiran iyo dhaq dhaqaaqooda. xafaadaha iyo guryaha waxa ka jira ayay ogyihiin. sidaas ayaa loo yiri nabad sugida qaranka.

waxay ogyihiin xildhibaanka iyo siyaasiga u shaqeeya dalalkale,midka duminaaya qaranka iyo kan khiyaamaya dalkiisa intaba. hadaba maanta waad aragtaan mahayno ciidankii shaqadaa inoo qaban lahaa. laakiin nasiib daro waxaaban arkaynaa iyagii oo xildhibaano u adeega shisheeye oo ahaa kuwii lasugi lahaa in ay uyeeranayaan saraakiishii usaraysay nabad sugida soomaaliyeed!! oo iyagiibaa loo indho cadeeyay oo la handadayaaba.

Nabadsugidu waxeedu waa sir hay ad kale oo ogaan kartaa oo dawlada iyo shacabka ahi mabajiri karto waana laga cabsadaa nabad sugida maxaayeelay madaxweynaha ayay dalka ka qaban karaan iska dhaaf wasiir iyo xildhibaan haday u arkaan khatar dalka kuwajahan.Nabadsugida cidwalbaa caalamka iyo dal walba ka cararta maxaayeelay ciday ku dhagaan laysma waydiiyo. hadaba halkan waxaa kacad in dalkeena aanay jirin hawlgalo ay fuliyaan nabadsugidu sharkoodana wali lama hayo??

Shabakadan maafiyada caalamiga ah iyo cadawga dalkeena dhex jiifa ragii dafi lahaa weeye,ceeb weeye shabaab baa dhex jiifa guryaha MOGDISHO baanankana militari baa cayrsanaaya ceeb weeye iyo waji gabax nabad sugida dalka saaran.shabakada maafiyada caalamiga ah madaxdeeda maha in ay sii jiraan waajib weeye in lasugaa si dalkeenu u helo amaan waana shaqo u taal nabad sugida. qofka waa in lawaayaa amaanka iyo dawladnimada soomaaliya khatarta ku ah. kan dadka kicinaaya kan abaabulaaya waa in lawaayaa,maha qof shacab ah oo la khalday kan larabaa.

Nabadsugidu waa in ay leedahay dad aan shaqayn oo xaafadaha iska jooga,waa in ay leedahay kuwa gawaarida wada iyo mootooyinka ee shacabka u adeegaya,ardayda jaamacadaha iyo iskoolada,haweenka dada ah iyo gabadhaha odayaasha iyo waiilasha dhalin yarada ah qaybkasta waa in shaqaale u joogaa nabad sugid ahi.

Dawladu way dadaalaysaa waxaase kamaqan nabadsugidii nin walba kaxaysan lahayd ee waraysan lahayd xaaladiisa iyo waxa uu qabto maadaama dalku ku jira dagaal laguna soo dabaalayo nidaamkii dawladnimo iyo kala danbayntii waa in aan loo dhaqmin sidii dal leh dawlad oo nabdoon oo leh xisbiyo iyo mucaarad taa ilaahay hayna gaarsiiyo hada waxaan ku jiraa dhisida amaanka dal burbursanaa sodon sanadood,caasimadeenii ayaa ah fowdo iyo nidaam daro oo aan amaan ahayn. Kol haday sidaa tahay iskama dhigi karo dimuqraadi iyo dawlado dalkoodii boqolaal sano ahaayeen nabad xasilooni iyo dawladnimo.

Maha in soomaalidu ku noolaataa khiyaali iyo laab la kac oo ay dhagaysataa hadalada shisheeye usoo dhiibay kuwa ina iibsaday ee doolar ina dhaafsaday kuwaas oo aan doonayn in dalkeenu helo dawladnimo iyo amaan. doorkii nabad sugida ayaa maqan tanoo u saamaxday shabakada maafiyada caalamiga ah in ay dalkeena u diidaan dawladnimo iyo sharaf.shacabka gumaysiga iyo jahawareerinta lagu haayo iyo caga juglaynta iyo qoortaan madaxa kuu saaraa ragii ka qaban lahaa cadawgaas ee laga baqi jiray waa nabadsugida soomaaliyeed mana hayno nasiib daro.

Adeer ninka afka kuu soo duubta waa loo duubtaa dharkiisa loo gashadaa noociisa laysagaa dhigaa kadibna waa la edbiyaa isaga birtu makarto miyaa? ninka siyaasiga ah ee shacabka diraaya ee afduubka raacsan ee la shaqeeya si shacabka loo qarxiyo adna ragbaa loo diraa isaga, meesha amaan baa laga hadlayaa dalkeena waa lagu soo duulay arxan mayaal dalka waa loo dhimanayaa iyo dawladniamda soomaaliya rag baa inoo bareeray waa in aan u bareeraa sir iyo caadba u dilaa ehelkaa naareed ee dawlad diidka ah. ciidankii xooga iyo boliiskii iyo asluubtii waa qaateen doorkooda, laakiin dalku malaha nabad sugid ayaan kusoo koobay.waxaa hadafkeenu yahay oo aan doonaynaa in qofkastoo soomaaliyeed helo nabad iyo nolol kuna noolaado dalkiisa dhexdiisa cabsi iyo walwal la aan caruurta soomaaliyeedna helaan wax barasho bilaash ah iyo caafimaad nabadna ku seexdaan ma doonayno in uu daato habeen iyo maalin dhiiga shacabkeena sabab ah dawlad la aan sharci la aan fawdo joogta ah waa in aan kabaxnaa dadkeenu helo amaan dawladnimo iyo wada jir waxaana inagu wada filan soomaalinimada oo kaliya iloow waxkale kadibna garabka ku qabo dawladnimo dalkaaga hooyo xataa haday tahay tan uugu xun dunida dawlad la aantaa kaxun wax walba.

Yuusuf Omar.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com