Dalka Brazil oo noqday dalka 4aad ee ugu dhimashada badan cudurka Coronavirus

HomeWararka

Dalka Brazil oo noqday dalka 4aad ee ugu dhimashada badan cudurka Coronavirus

Brazil ayaa noqday dalka 4aad ee ugu dhimashada badan Cudurka Coronavirus, iyadoo uu soo kordhayo saameynta uu dalkaas ku yeelanayo cudurkan safmarka

Xulashada Daljir & Faadumo dagan, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Imran Khan oo ka digay dagaal ka dhex qaraxa Pakistan iyo Taalibaan
Wasiirka ganacsiga Puntland oo booqday Kastamka Tuurdibi ee degmada Galdogob (daawo)

Brazil ayaa noqday dalka 4aad ee ugu dhimashada badan Cudurka Coronavirus, iyadoo uu soo kordhayo saameynta uu dalkaas ku yeelanayo cudurkan safmarka ah.

Tirada dhimashada ayaa gaartay 28,834 ruux, kaddib markii maalin qura la diiwaan geliyay in 1,000 qof ay dhinteen.

Brazil ayaa ah dalka labaad ee kiisaska ugu badan cudurka Corona, waxaana ay gaartay 498,440 kiis.

Dalalka Mareykanka, UK iyo Talyaaniga ayaa horay ahaa dalalka ugu horreeya ee ugu dhimashada badan, haatan Brazil ayaa ku soo biirtay oo kaalinta 4aad gashay.

Cudurka Safmarka ee Coronavirus ayaa fara ba’an ku hayay adduunka oo dhan, waxaana uu sababay inuu hakado dhammaan dhaq dhaqaaqyada iyo isu socodka adduunka oo dhan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: