Dalka ay hogaamiyeyaasha Mareykanka – Kuuriyada Waqooyi ku shirayaan oo la shaaciyay

Madaxwaynaha Mareykanka Doland Trump ayaa ku dhawaaqay inuu bilaaban doono shir madaxeedkii labaad oo uu la yeeshay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi bishaan, kaasi oo looga hadlayo arrimaha Nuclearka.

Khudbadda sanadlaha ee Trump ayaa uu ka sheegay sidaasi, waxaana dhanka kalle uu balan ku qaaday inuu dhisi doono dabriga xuduudda Mareykanka Mexico.

Waxaa uu ku sheegay khudbaddiisa oo socotay 82-daqiiqo oo uu jeediyay Talaadadii inuu hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi uu kula kulmi doono wadanka Vitenam laga bilaabo 27-28ka bishaan Febraayo.

Waxaa uu intaasi ku daray shaqooyin badan inay dhimanyihiin, balse xiriirka isaga iyo Kim Jong-Un uu yahay mid aad u wanaagsan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com