Daljir oo hambalyada 2013 u diray bulshada Soomaaliyeed, soona bandhigay qorshaha 2013-ka (DHAGAYSO)

Warsaxaafadeed

01 Januayr?13

Radio Daljir, Somalia.

?

Is-baddelka baaxadda iyo barnaanijyada Radio Daljir ee sannadka cusub 2013.

?

Hambalyada Sannadka cusub.

Maamulka, wariyaasha iyo shaqaalaha kala duwan ee Radio Daljir ee dalka iyo dibedda, waxay hambalyo diirran iyo bogaadin kal iyo laab ah, kuna aaddan sannadka cusub ee 2013-ka u dirayaan dhammaan dhageystayaasha Radio Daljir ee ku kala sugan daafaha caalamka, waxayna uga mahad-celinayaan ku taxnaanta iyo la socodka wararka iyo barnaamijyada kala gaddisan ee ku baaha FM-yada iyo aaladda internet-ka.

Radio Daljir, waxaa sidoo kale uu dhageystayaashiisa iyo akhristayaashiisaba uga mahad-naqayaa toosinta iyo talooyinka wax-ku-oolka ah ee sida joogtaada ah ay ugu soo diraan maalin iyo habeenba, si looga-miro-dhaliyo himilooyinka iyo yoolalka u qoondaysan Radio Daljir ee gundhigna u ah jiritaankiisa, kuna aaddan hormarinta dalka iyo kobcinta garaadka bulshadeenna Soomaaliyeed, si loo tiigsado ummadaha kala ee asaaggeenna ah.

Haddaba Radio Daljir, isagoo ka duulaya baahida bulshada Soomaaliyeed iyo rabitaanka dhageystayaasha iyo akhristayaashiisa gudaha iyo dibedda, lana tallaabo-qaadaya hormarka iyo tignoolajiyadda casriga ah ee dunida, hiigsanayana saadaasha horukac ee sannadka cusub, waxaa uu is-baddel mugleh ku sameeyey baaxadda maqal idaacadda, barnaamijyada, wararka iyo dhammaan baahinihiisa kala duwan, iyadoo sidoo kalena uu soo kordhiyey barnaamijyo horleh oo taabanaya damaca iyo dareenka bulshada Soomaaliyeed.

Ballaarinta baaxadda idaacadda.

Radio Daljir, sannadka cusub waxaa uu bilaabayaa qorshayaal lixaadleh oo lagu ballaarinayo maqalka iyo baaxadda warbaahineed ee FM-yada Radio Daljir, taasoo suuragal ka dhigaysa in laga dhageysto deegaanno badan oo dhulka Soomaalida iyo meelaha afsoomaaliga looga hadlo ka mid ah.

Hadda waxaa si rasmi ah u bilawday qaybo ka mid ah qorshahaasi ballaarineed baaxadda idaacadda, iyadoo dhageystayaal cusub iyo deegaanno aan horay looga maqlijirin ay nagu soo biirayaan maalmaha innagu soo aaddan ama todobaadada ugu horreeya ee sannadka cusub.

Barnaamijyada cusub ee sannadkaan sookordhaya.

Sannadkaan cusub ee 2013-ka, Radio Daljir waxaa uu dhageystayaashiisa u soo kordhiyey barnaamijyo cusub oo ka xog-warrami doona waayihii taariikheed ee Soomaalida, waaqiciga taagan iyo sidii loola waayo dhaqmi lahaa.

Barnaamijyadaas cusub waxaa ka mid noqon doona haddii Alle idmo barnaamij lagu magacaabo ARDAA, kaas oo si qudda-fog u taaban doona baahiyo waaweyn oo ummadda Soomaaliyeed quseeya sida dawlad wanaagga, midnimada ummadda, waddaniyadda, dhaqanka, dhaqaalaha, diinta, luuqadda iyo arrimo kale oo badan.

Sidoo kale, barnaamijyada cusub ee sannadkaan soo foodleh waxaa ka mid noqon doona barnaamij kale oo lagu magacaabo Wacyiga iyo Wariyaha, kaasoo si durugsan u soo bandhidoona wariyaasha Soomaaliyeed iyo wacyiga ay ku shaqeeyaan iyo waxyeelooyinkay la kulmaan.

Radio Daljir, isla sannadkaan waxaa uu idiin bilaabi doonaa sheekooyin cusub oo taxne ah, lana mid ah kuwii aad horay u dhagaysan jirteen ee Sheeko-gaaban, kuwaasi oo lahaan doona macne iyo madadaalooyin aad la maqsuudi doontaan.

Horumarinta Adeegyada Bulshada

Radio Daljir waxa uu sii horumariyey qaybihiisa adeegyada bulshada iyo la shaqeynta macaamiisha isagoo sannadka cusun idiin soo bandhigaya qorshayaal cusub oo uu kala shaqeyndoono qaybaha kala duwan ee adeegwadaagga la?ah Radio Daljir.

Waxaa jira isballo dhinaca qiimaha ah oo kuwii hore wax ka badalidoona meelaha qaar, iyadoo markasta aan eegeyno tabarta dhaqaale ee bulshada nagu xiran.

Waxaa kale oo qorsha yaasha noogu jira in aan xafiiska Daljir Production and Promotions (DPP) oo si toos ah uga hawlgala xarunta Bosaso aan sidoo kale ballaarin ku samayno kaasoo aan ka furidoonno dhamaan magaalooyinka kala duwan ee radio Daljir uu xarumaha ku leeyahay haddii EEBBE idmo.

Waxaannu shirkadaha iyo dhamaan ganacsata u soo bandhigi doonnaa barnaamijyo ay ka qaybqaadan doonaan kuna xayeysiisan doonaan Ganacsigooda, iyadoo aan qaban toono tartamo loo galayo barnaamijyadaas, kuwaas oo aan filayno in si cadaalad ah qofwalbaa isaga dhex arko.

Xafiiska muuqaallada ee (DPP)

Sidoo kale, Xafiiska muuqaallada ee Radio Daljir oo ah qayb ka mid ah Daljir Production and Promotion (DPP) waxaa uu cid kasta oo danaynaysa u soo bandhigayaa fursado sahlaya duubida filimada Documentary-yada, kuwaasoo laguugu habaynaya nidaam cusub oo la jaanqaadaya casriga dunida ee Filimada.

Xafiiskaan oo xaruntiisu xilligaan tahay Garowe, waxaa uu macaamiisha Radio Daljir u ballanqaadayaa inuu xarumo kale uu ka furan-doono dhammaan magaalooyinka ay Daljir dagantahay.

Webka Radio Daljir.

Isla sannadkaan 2013-ka, waxaa is-baddelka cusub la jaanqaadidoona bogga internet-ka ee radiodaljir.com. Waxaana xoogga la saariyaa qoraalla dabogga ee dhacdooyinka wareed ee gudaha iyo dibedda, iyadoo si joogta ah?? akhristayaashu daqiiqadda walba ay u helayaan macluumaadka dalka iyo diabaddaba. Waxaana intaasi dheer in barnaamijyada ugu waawayn idaacadda iyo waraysiyada ka baxaba ay dhagaystayaashu dib uga heli-karaan bogeena internetka ee Radiodaljir.com/ ama Daljir.com.

Gabagabo.

Ugu dambayn Radio Daljir, waxaa uu ummadda Soomaaliyeed u rajaynayaa sannadkaan sannadkiisa xiga in ay ku gaaraan nabad, baraare, barwaaqo iyo hormar.

Radio Daljir

Somalia.

?Halkaan Hoose ka dhagayso Warsaxaafadeedkii oo uu noo akhrinayo Agaasimaha radio Daljir C/raxmaan Xuseen Xasan (Gaardi)

?

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com