Dalalka Yurub oo walwal ka muujiyay tallaabo uu qaadi rabo ruushka

Madaxa hay’adda tamarta adduunka ayaa ka digay suurtagalnimada in xilliyada qaboobaha Ruushka laga yaabo in uu joojiyo gaaska uu siiyo waddamada reer Yurub.

Fatih Birol ayaa sheegay in uusan rumeysnayn in ay dhici karto in Ruushku uu gebi ahaanba jaro gaaska uu siiyo reer Yurub, balse Yurub ay u baahan tahay in ay ka shaqeyso qorsheyaal deg deg ah oo ay uga maarmi karto gaaska Ruushka.

Toddobaadyadii la soo dhaafay ayaa dhowr waddan oo reer Yurub ah waxa ay sheegeen in Ruushka ay ka heleen gaas aad uga yar intii ay ka heli jireen.

Saraakiisha Ruushku ayaa beeniyeen in arrintaasi ay tahay mid loo bareeray, waxa ayna arrintaa u aaneeyeen arrimo farsamo.

Ka hor duulaanka Ruushka uu ku qaaday dalka Ukraine, qaaradda Yurub waxay Ruushka ka soo dhoofsan jirtay ilaa 40% gaaska dabiiciga ah, balse tiradaasi ayaa hadda hoos u dhacday oo gaartay ilaa 20%.

Madaxa hay’adda tamarta adduunka, Fatih Birol, waxa uu sheegay in uu rumaysan yahay in dhimistii dhawaan Ruushku uu ku sameeyay gaaska uu u dhaafin jiray Yurub ay tahay “istaraatijiyad”. Hoos u dhacaasi ayaa sababay in waddamada Yurub ay ku adkaato in ay buuxiyaan keydadka gaaskooga, waxa ayna sidoo kale muujineysaa sida aysan ugu maarmin gaaska Ruushka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com