Dalalka Turkiga iyo Mareykanka oo wada-xaajood ka yeeshay xaaladda cakarin ee dalka Syria.

Washington, May, 17 -?Kulanka wada-xaajoodka ah ee ay aqalka cad ku yeesheen masuuliyiinta u sareysay wadamada Maraykanka iyo Turkiga ayaa ahaa mid ay ku lafagurayeen xaaladdaha cakarin ee ka taagan Dalka Syria ?Islamarkaasina wadamada Caalamku lakala safteen labadda garab ee ku dagaalamaya Dalka Syria.

Dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa ah saaxiib kumidaysan tageerida fallaagada Dalka Syria kula dagaalamaysa Dowlada uu hoggaamiyo Bishaar Al-asad oo ahayd xukuumadii rasmiga ahayd ee dalku lahaa, balse haatan u muuqata midaan cago badan ku taagnayn,? wadamo badan oo aduunkana ay xilliyadaan kala safteen mucaaradka dagaalka xooga-leh kula jira.

Madaxweyne Obama iyo xuluufada ku fikirka ah ayaa marar badan ku celceliyey in la taageero mucaaradka dagaalka kula jira Madaxweyne Asad, ?inkastoo dowlado Ruushku kamid yahay ay ku adkaysanayaan xukumadda rasmiga ah ee ka jirta Syria inay tahay Dowladda uu hoggaamiyo Bishaar al-Asad, ?Balse waxaa haatan muuqata inuu soo gabo gaboobey kala taageridii Dowladda iyo Falaagadda,? kadib kulankii Khamiistii ?Erdogan iyo Obama ku yeesheen Aqalka cad ??iyo kuwa ka horeyey oo wadamada Reer galbeedku isku raaceen in la isasoo hor fariiso kooxaha ?ku dagaalamaya dalka Syria, shir-na la isugu keeno magaalada Jiineefa six al waara looga gaaro khilaafkaan mudada ka taagan dalka Syria.

Idle?? Moallim Omar

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com