Daladda PUNSAA oo war ka soo saartay xaaladda guud ee Puntland.

Garoowe, Mar 01 2017-Dalladda Daneeyayaasha aan Dawliga ahayn ee PUNSAA waxa ay muujinaysaa sida ay uga xuntahay cidkasta oo ku kacda falal lidka ku ah ammaanka bulshada islamarkaasna khalkhal gelinaya xasiloonida Puntland. Waxa ay Dalladdu ka soo horjeeda in la weeraro xarumaha Dawladda iyo rabshado ka dhaca guud ahaan Puntland, taas oo bedelkeeda ay ku talinayso in khilaafaadkasta lagu dhameeyo wada hadal iyo deganaansho.

Gadoodka Askarta qabsatay xaruta Barlamaanka iyo Wasaaradda Maaliyadda 26/02/2017 ee Garoowe  iyo banaan baxyada ka dhacay magaalada Bosaaso ma aha wax la dhayalsankaro. Waxaa habboon in arinta laga ilaaliyo  in ay faraha ka baxdo oo gaarto meel ay adagtahay wax ka qabashadeedu.

Dalladda PUNSAA waxa ay ugu baaqaysa Dawladda Puntland in ay si miyir badan oo dhaqso leh wax uga  qabato cabashooyinka ay tirsanayaan dadka sida ficilka ah u muujinaya dareenkooda oo aaney dhibsan ee u dul qaadato soo bandhigidda waxa gar loogu leeyahay in ay wax ka qabato islamarkaasna si hufan u fuliso masuuliyadda ay ummadda u hayso.

Dalladda PUNSAA waxa ay u aragtaa lagama maarmaan in Askara iyo shaqaalahaba ay helaan mushaharooda islamarkaasna ay Dawladdu wax ka qabato Sicir Bararka foon dhaafay. Waxaanu u aragnaa in ay dantu ku jirto in la dhowro sharciga iyo kala damaynta islamrkaasna lagu xisaabtamo masuuliyadda iyo waajibaadka ay kala leeyihiin hay’adaha dawladda iyo qaybaha kala duwan ee bulshadu.

Dalladda PUNSAA waxa ay ka xuntahay xarigga loo geystey Nabadoon Cabdulqaadir Axmed Ibraahim (Xarago) oo ka tirsan Golaha Guud ee PUNSAA. Waxaanu ku baaqaynaa in si dhaqso ah arintiisa loo xaliyo.

Gabagabadii waxaa Dalladda PUNSAA  soo jeedinaysaa in ay muqadas tahay sugidda ammaanka iyo xasiloonida Puntand islamarkaasna ay xil iyo waajib tahay dhawrista xaquuqda Askarta, Shaqaalaha iyo guud ahaan  Bulshada.

War Saxaafadeed ku aadan xalinta khilaafaadka ka jira Puntland

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com