Dagaalo u Dhaxeeya Puntland iyo Al-shabaab oo mar kale ka Qarxay Garacad

Garacad, 20, March, 2016-(Daljir)_Dagaalkan ayaa udhexeeya ciidamada difaaca Puntland iyo firxadka Al-Shabaab, sida uu warbaahinta  u xaqiijiyay sargaal ku sugan deegaanka dagaalku ka socdo oo lagu magacaabo Low Cabdi Cad.
 
Low ayaa xilliga uu la hadlayay warbaahinta  waxaa uu ku jiray dagaalka iyadoona la maqlayo daryanka rasaasta ciidamada Puntland ay ridayaan.
 
Sargaalkan ayaa cadeeyay in ciidamada dagaalka ku qaaday Al-Shabaab ay yihiin guutada labaad ee ciidamada qalabka sida ee Puntland, isla markaana ay shalay galinkii danbe gaadhay deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug.
 
Deegaanka lagu dagaallamayo ayuu xusay inay tahay cadduun bannaan, balse leh geedo yar yar oo gaa-gaaban, wuxuuna xusay inay dhawaan soo afjari doonaan mallayshiyadda dagaallamaya.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com