Dagaalo ka dhacay gobalka shabeelaha dhexe

Dagaalo ka dhacay gobalka shabeelaha dhexe

Waxaa ka soo baxaya faahfaahino dheeraad dagaal beeleed ka dhex qarxay labo beel oo walaalo ah oo ku nool deegaan hoos taga degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe.

Dagaalkan oo salka ku haya lahaanshaha dhul ayaa saaka waaberigii ka bilowday deegaanka Burdheere waxaana dagaalka uu sababay qasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamaya.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan hase yeeshee wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad kabadan toban oo labada dhinac ay dhinteen halka labaatameeyo kalana ay ku dhaawacmeen iskahorimaadkan oo ahaa kii ugu xooganaa oo abid ka dhaca deegaankaas.

Boqolaal qoys ayaa bilaabay inay ka barakacaan guryahooda iyadoo weliba lagu jiro xilli jiilaal ah oo qorrax aad u kulul ay jirto.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com