Dagaalka SUUJ ee u Dhaxeeya Dowladda Puntland iyo Al-shabaab oo Galay Maalinkii Afaraad

Sabti,Marso,19-2016_(Daljir)-Milliteriga Maamulka Puntland ayaa waxay maalintii Afaraad dagaal xooggan kula jiraan Dagaalyahanno Alshabaab oo ku sugan Togga Suuj ee Gobalka Nugaal, waxaana uu iska horimaadku yahay mid weli la isku mari la’ yahay.
 
Saraakiisha Puntland waxay kaloo sheegeen inay ku sii siqayaan hulalka Togga Suuj, inkastoo ay weli Alshabaab wadaan Iska caabin xooggan.
 
Dhinaca kale, Saraakiisha Puntland waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen 4 maxbuus oo Alshabaab ah, kuwaasi oo la sheegay in lagu qabtay meel 10-Km u jirta Togga Suuj.
Wararka kale ee ka imaanayo Deegaan Xeebeedka Gara-cad ee Gobalka Mudug waxay sheegayaan inay ciiddanka Puntland la wareegeen Deegaankaasi, kadib, markii ay u itaal sheegteen Alshabaabkii ku sugnaa Deegaankaasi ee ka soo degay xeebta.
 
Wasiirka Amniga ee Puntland, Cabdi Xersi Cali “Qarjab”  iyo Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Maamulka Puntland, Cumar C/llaahi Fara-weyne ayaa ku sugan Gara-cad, waxaana la soo weriyey inay ciiddanka Puntland gacanta ku dhigeen dhowr nin oo ka tirsan Alshabaabka ka dagaalamay Deegaankaasi.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com