Dagaalka beelaha oo sii holcaya iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Dagaalka beelaha oo sii holcaya iyo dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS)

Radio Daljir oo xoogga saaraya, siina xoojinaya soo gudbinta wararka iyo waraysiyada iftiimaya xaaladihii ugu danbeeyey ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), waxa aan asbuuc walba idiin soo gudbinayaa warar joogta ah oo ka warrama marxaladihii ugu danbeeyey ee deegaanka, dhan siyaasad iyo dhan dhacdooyin deegaanba.

Marxaladihii ugu danbeeyey ee deegaanka, sida ay nala qaysadeen wariyayaasha Daljir ee DDS iyo waliba bulshada deegaanada kala duwan ee gobolada DDS waa sida hoose:

1) August 8 – Maleeyshiyaadka Oromada ayaa dhaqdhaqaaqyo hubeysan ka bilaabay degmada Qubbi ee gobolka Erer waxa ayna deegaanka Soomaalida gudaha u soo galeen qiyaastii 30 KM ayaga oo Qubbi ku dilay wiil dhallinyaro ah magaciisana lagu sheegay Xasan Khaliif.

2) August 8 – Liyuu Booliska ayaa magalaada Wardheer ee xarunta gobolka Doollo ku xiray wiil dhallinyaro ah kaddib markii uu bartiisa Facebook ku qoray dhaliilo uu la beegsanayo Guddomiyaha gobolka Doollo. DDS oo aan hore looga baran xorriyad dhammaystiran ayaa waayahan xorriyadda hadalku sii liiceysa.

3) August 10 – Tuulada Dhurwaayaale ee degmada Gallaadi ee gobolka Doollo waxaa ka jira biyo la’aan baahsan ayada oo hadda laga yaabo in dadku deegaanku ay u barakacaan biyo la’aanta darteed.

4) August 11 – Degmada Shilaabo ee gobolka Qoraxay, meesha loo yaqaan Warta Hannaanka, waxaa maanta ka qarxay dagaal beeleed khasaare geystay, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyeyna illaa iyo hadda waa hal dhimasho iyo mid dhaawac ah.

Isku-dhacyada beelaha Soomaalida ayaa salka ku haysa dhul-daaqsimeed, waana mid ay illaa iyo hadda weli isku horfadhiyaan labada dhinac ee dagaalamay. Saas oo ay dagaal beeleedyada Soomaalidu u holcayaan ayaa haddana waxa qowmiyadda Soomaalida si gooni ku socda barakaca ugu weyn oo Soomaalida laga barakicinayo deegaamadooda qadiimiga sida Jigjiga, Harar, Diridhaba, Tulliguuleed iyo dhammaan soohdimaha Soomaalidu la wadaagto qowmiyadda Oramada.

Diiwaanka wararka DDS

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com