Dagaal-yahanno ka tirsan Al-shabaab oo isku soo Dhiibay Dowladda Puntland

Garacad, 26, March, 2016-(Daljir)_Ciidanka amaanka Gobolka Karkaar oo hogaaminayey Taliyaha Qaybta Boliska Gobolka Gaashanle dhexe Ahmed Muuse Yuusuf  “Jaqanaf”, isla markaana  ku raad joogay firxadkii Al-Shabaab ee togga Suuj ayaa ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan 18-Shabaaba.
 
Kooxdan firxadka ah ayaa dhufeys ka galay shalay meel u dhaw Dhalin-baar oo ka tirsan Degmada Beyla, ayaa dagaal  dhexmaray iyaka iyo ciidanka  Puntland waxaa uu  sababay dhaawaca 2-askari iyo mid kamid ah firxadka Al-Shabaab.
 
Kooxdan ayaa dhamaantood isa soo dhiibay, kadib markii ay arkeen cudada ciidama Puntland.
 
Weli Dowladdu kama hadlin dagaalka maanta dhexmray iyaka iyo Al-Shabaab.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com