DAGAAL XOOGGAN OO KA BILAWDAY DHAWR AAG EE MAGAALADA LAASACAANOOD AH.

DAGAAL XOOGGAN OO KA BILAWDAY DHAWR AAG EE MAGAALADA LAASACAANOOD AH.

Dagaalkaan oo la isku adeegsanayo hubka noocayadiisa kaka duwan ayaa barqankmadii maanta ka bilawday dhawr jiho oo magaalada Laascanood ah.

Dadka deegaanka iyo hoggaanka warfaafineed ee SSC ayaa warbaahinta u wada sheegay weerarkaasi oo madaafiic ku bilawday in uu ahaa mid ay soo qaadeen ciidamada maamulka Somaliland, halka Somaliland na ay sheegtay in fariisimadeeda ciidan la soo weeraray.

Bariga magaalada, barta Maraaga oo horay dagaallo uga dhaceen iyo jihooyin kale ayuu ka socdaa dagaalku, inkastoo weli aysan jirin xogo faahfaahinaya illaa hadda khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo ka dhalatay.

Dagaalkaan oo dhaxeeya dadka deegaanka iyo ciidamada Somaliland ayaa socoshadiisu ay haatan madaxa la siigalaysaa muddo labo bilood ah, waxaana uu ka unkamay dadka deegaanka oo ka horyimid joogtista Somaliland ee gobollada SSC Khaatumo, kadib 15 sano oo ay gobolka xoog ku maamulayeen, siiba magaalada Laascanood oo dad badan oo labeentii bulsho ah lagu laayey.

Somaliland ayaa dhegaha ka furaysatay baaqyo caalami ah iyo kuwo maxalli ah oo loo jeediyey, kuwaasi dabayey joojinta duullaan iyo dagaalka Somaliland ku hayso shacabka gobolka Sool, waxaana sida muuqata ay xal baddiay xabbadda oo kaliya.

Magaalada Laascaanood, muddadii dagaalku ka socday waxaa ka barakacay kumanaan qoys, waxaana somaliland laysay dad shacab ah oo carruur iyo haweenba ay ku jiraan sidoo kalana Somaliland waxay burburay asaasiyaddii bulsho ee magaalada sida biyihii, korontadii, isbitaalkii, goobihii waxbarashada, masaajiddo iyo meelo kale oo muhiim ah oo ganacsi uu ka mid yahay siiba hoteellada.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com