Dagaal xalay kadhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

Dagaal xalay kadhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho

Ciidamada AMISOM iyo ururka Al-shabaab ayaa xalay dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho.

Dadka deegaanka ayaa u sheegay radio Daljir dagaalka inuu socday muddo saacad ka badan, waxaana ay sheegeen in hubka noocyadiisa kalle duwan la isku adeegsaday, balse aysan cadayn karin khasaaraha dhabta ee dagaalka.

AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa wali wax war ah kasoo saarin dagaalkan kadhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com