Dagaal u dhexeeya Puntland iyo Soomaaliland oo ka bilowday gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Badhan, July 18 2016--Dagaal u dhexeeya ciidanka difaaca Puntland iyo kuwa maamulka Soomaaliland ayaa maanta ka bilowday qaybo kamid ah gobolada Sanaag iyo Haylaan ee xuduudka labada dhinac.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in dagaalku saaka bilowday kadib markii ciidanka Soomaaliland ay damceen inay deegaamadaasi xoog ku keenaan sanaadiiqda doorashooyinka ee maamulka Soomaaliland.

Dagaalkaasi oo ah mid culus ayaa waxaa laysu adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana jira gurmad ka baxay labada dhinac oo kaalmaynaya ciidamada kusugan goobaha dagaalka.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com