Dagaal lagu siidaayay maxaabiis oo kadhacay Laascaanood (dhegayso)

Dagaal lagu siidaayay maxaabiis oo kadhacay Laascaanood (dhegayso)

Shacab ku sugan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Somaliland ay ku leeyihiin magaalada oo ay ku xirnaayeen dad shacab ah oo dhowaan lagu qabtay dibadbaxyo kadhan ah Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya shacabka oo ku hubaysnaa hubka noocyadiisa kalle duwan iyo ciidamada Somalilan ee jooga magaalada Laascaanood inuu dhexmaray dagaal socday muddo saacado ah, lamana oga khasaaraha rasmiga ee dagaalkan ka dhashay.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee Puntland oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegtay ciidamada weerarka qaaday inay katirsanyihiin Puntland, kuwaasi oo sida uu sheegay weeraray ciidamada maamulka Somaliland kuna guulaystay howlgalkii ay qaadeen.

Somaliland ayaa sanadkii 2007dii qabsatay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, waxaana tan iyo xiligaasi aan magaalada tagin issimadii kasoo jeeday iyo siyaasiyiinta gobolka u dhashay ee kasoo horjeeda kala qaybinta Soomaaliya iyo siyaasadda Somaliland.

Hoos kadhegayso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com