Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay duleedka Ceel Afweyn

Dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac dhaliyey oo ka dhacay duleedka Ceel Afweyn

Wararka naga soo gaaraya degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in deegaan hoos yimaada degmada uu ka dhacay dagaal xoogan oo dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo halkaasi wada dega.

inta la xaqiijiyay dagaalkan ayaa waxaa ku dhimatay illaa iyo 7 qof oo ka wada tirsan labada dhinac oo ay dirirtu dhexmartay waxaan ku dhaawacmay tiro kale oo intaasi ka badan.

Xaalada deegaanka Ceel Afweyn ay mid aad u qasan waxaana goobta dagaalku uu ka socdo ku baxay ciidamada amniga ee maamulka Soomaaliland.

Dagaalka Ceel Afweyn ayaa ah mid marar badan soo noqnoqday, waxaan loo aaneeynaaa in ay ku lug leeyihiin dagaalka siyaasiyiin ka soo jeeda Soomaliland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com