Dagaal Khasaare geeystay oo ka socda Gobalka Galgaduud (dhegayso/daawo)

Dagaal dhaliyey qasaaro iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa saakay ka bilowday deegaanka Kaxandhaale oo abaaro 7:00 Subaxnimo, waxaana la soo sheegayaa in ilaa hadda uu socdo dagaalku.

Waxaan si cad loo sheegi karin Qasaaraha dhabta ah ee dagaalka, maadaama aysan jirin wax is gaarsiin ah oo ka shqeynaysa halka uu dagaalku hadda ka socdo.

Cawil Cabdulaahi Jaamac oo kamid ah waxgaradka Waqooyiga gobalka Galgaduud ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ugu baaqay dhinacyada diriraya in ay joojiyaan Xabadda

Ayaanle Cabdulaahi Jaamac ayaa waraystay ugu horeyna wax ka waydiiyay daalka la sheegay in uu ka socdo deegaanka Kaxandhaale


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com