Dagaal khasaare geeystay oo ka dhacay Balcad

HomeWararka

Dagaal khasaare geeystay oo ka dhacay Balcad

Iska horimaad hubeysan ayaa la sheegay in saaka uu ka dhacay bar koontarool oo ku taal dhinaca galbeed ee magaalada Balcad. Wararka ayaa waxa ay

Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo lagu baaqay inay xirto xeradda Xalane
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kormeeray Wasaaradaha Maaliyadda iyo Warfaafinta
Wacaal daray ah: Ciidamo gadoosan oo la wareegay bangiga dhexe ee magaalada Gaalkacyo

Iska horimaad hubeysan ayaa la sheegay in saaka uu ka dhacay bar koontarool oo ku taal dhinaca galbeed ee magaalada Balcad.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen barta koontarool iyadoo dagaal xooggan uu ku dhex maray dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo ciidamadii ku sugnaa barta koontarool.

Illaa iyo hadda si dhab ah looma qasaaraha soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamayay balse rasaastii la isu adeegsaday dagaalka ayaa waxaa ku dhaawacmay labo carruur ah oo isku qoys ah kadib markii rasaas habow ah ugu tagtay gurigooda.

Labadan carruur ayaa la sheegay in mid ka mid ah oo labo bilood uun jireyay xabad ugaga dhacday madaxa waxaana dhaawaca carruurta loo qaaday isbitaalada ku yaal magaalada Muqdisho.

Weerarkan ay dagaalamayaasha Al-Shabaab ku qaadeen degmada Balcad ayaa ku soo beegmay xilli ay magaalada Balcad ku sugan yihiin guddi uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare kuwaasoo baaraya dil loogu geystey deegaanka Gololey shaqaale caafimaad oo ka howlgalayay xarunta caafimaadka ee hay’ada Zamzam ku lahayd deegaanka Gololey.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: