Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu ka dhacay degaanka Golweyn oo hoostaga degmada Buulo-mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Uganda ee degaanka Golweyn, waxaana dadka degaanka ay sheegeen in ay siweyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Dadka degaanka Golweyn waxaay sidoo kale sheegeen in Ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray, balse aan weli la sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Saraakiisha Ciidmada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee inta badan ayaa weerarada noocaan oo kale ah uu ka dhacaa degaannada ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa howlgalka ATMIS.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com