Dagaal ka dhacay Shabeellaha Hoose & faah faahin laga helayo

Dagaal xoogan oo leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saacadihii la soo dhaafay wuxuu ka dhacay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee kamid ah howlgalka ATMIS oo dhinac ah & Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa Uganda ee degmada Qoryooleey, waxaana dadka degmada ay sheegeen in ay siweyn u maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Dadka degmada waxaay sidoo kale sheegeen in Ciidamada Uganda intii uu socday dagaalka ay tiro madaafiic ah ku tuurayeen dhinaca laga soo weeraray, balse aan weli la sheegin khasaaraha ka dhashay madaafiicda.

Saraakiisha Ciidmada howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee inta badan ayaa weerarada noocaan oo kale ah uu ka dhacaa degaannada ay Gobolka Shabeellaha Hoose kaga sugan yihiin Ciidamada dowladda & kuwa howlgalka ATMIS.

Xaaladda degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ah mid degan, waxaana si caadi ah u Shaqeeynaya isku socodka dadka, Gaadiidka iyo Ganacsiga.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com