Dagaal gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay duleedka Bosaso

HomeWararka

Dagaal gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo kadhacay duleedka Bosaso

Laba qof ayaa ku geeriyooday, shan kallena waa ay ku dhaawacmeen dagaal saakay ka dhacay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga toosan magaalada Bo

Warka Fiidnimo iyo Axmed Nadiif, Daljir Garoowe (dhegayso | daawo)
Wasiir Xoosh “Inaga iyo Ururada Bulshada Rayidka waxaan ku midoownay ka shaqeynta danta dalka iyo dadka”.
Saaka & Dunida iyo Maxamed Ibraahin Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)

Laba qof ayaa ku geeriyooday, shan kallena waa ay ku dhaawacmeen dagaal saakay ka dhacay deegaanka Mareero oo 10km dhanka bari uga toosan magaalada Bosaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

Wararka ayaa sheegaya dagaalka inuu yimid kadib markii ay ciidamada ammaanka ee Puntland ay howlgal ku qaadeen maleeshiyaad rara tahriibta, kuwaasi oo lagu tuhmay dhaawac shalay askari katirsanaa ciidamada madaxtooyada loogu gaystay magaalada Bosaso, sida laga soo xigtay sarkaal dhanka amniga ah.

Labada qof ee geeriyootay ayaa ka kala tirsanaa ciidamada ammaanka ee Bosaso iyo maleeshiyaadka tahriibta rarayay, waxaana ay ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen maxaabiis iyo gaari ka mid ah kuwa dagaalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka ee Puntland.

Dhowaan ayay ahayd markii ciidamo katirsan kuwa amaanka oo uu ku jiray askarigii shalay lagu dhaawacay Bosaso ay howlgal ku qaadeen deegaanka Mareero.

Hoos ka daawo.


 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: