Dagaal ay diyaarado dagaal ka qaybgaleen oo kadhacay buuraha Calmadow Puntland

Dagaal u dhaxeeya Al-shabaab iyo ciidamada Puntland ee PSF ayaa ka dhacay deegaamada Diindigle iyo Madarshoon oo katirsan buuraha Calmadow ee silsiladda buuralayda Golis.

Ciidamada PSF ayaa sheegtay inay ku dileen dagaalkn 13 ka mid ah Al-shabaab ayna uga hortageen weeraro gaaraya 67 oo la qorshanayay in farriisimahooda lagu soo qaado.

Wararka aanu caawa ka helayno ayaa sheegaya diyaarado kuwa dagaalka ah inay duqaymo ka wadaan deegaanada Madarshoon iyo Diindigle, waxaana dhulka uu yahay mid kaymo iyo buuro isugu jira, sidoo kallen waxaa aad ugu yar iftiinka qoraxdo waa goob mar walba darruuro ay hoganayaan.

Puntland ayaa inta badan aaminsan kooxaha Al-shabaab inay hubka iyo gabaadka ka helaan maamulka Somliland oo deegaamada qaarkood ee u dhow ka taliya.

 

Wixii kasoo kordha kala soco wararkeena dambe.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com