Dag Dag: Tifaftiraha Guud ee Daljir Geeddi oo ciidamo hubaysan Garowe ku jirdileen

Garowe, June, 26, 2016 – Warar hadda nasoo gaaraya ayaa sheegaya in jir dil loo gaystay tifaftiraha guud ee Radio Daljir Cabdifitaax Cumar Geeddi, kaddib markii ciidamo hubaysan ay ku weerareen agagaarka shirkada isgaarsiinta Golis ee magaalada Garowe.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in goobta jirdilka loogu gaystay ay soo gaareen waardiyaha shirkada isgaarsiinta Golis iyo dadwayne ka ag-dhawaa goobta, kuwaasi oo mudane Geeddi ka bad-baadiyay goobtaasi,

C/fitaax Cumar Geeddi tifafiraha oo goor dhowayd aan kula xiriirnay khadka taleefanka ayaa noo sheegay in uu dareemayo jir xanuun, isla markaana aysan jirin dhaawac aad u wayn oo gaaray, balse gaarigii uu watay waxyeelo loo gaystay.

Ficilka caawa dhacay ee Jirdilka ah waxaa uu ku soo beegmayaa xilli 23-kii bishaan wasiirka warfaafinta Puntlnad Soocade uu ku hanjabay in uu laynayo wariyaasha reer Puntland, arrintaasi oo cabsi iyo walwal wayn ku abuurtay dhammaanba warfidiyeennada ka howlgala deegaannada Puntland.

Wixii war ah oo soo kordha dib ayaan kasoo daabici doonaa

Diiwaanka Wararka,

Radio Daljir,

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com