Dafcadii ugu horaysay oo kaqalan jebisay Vision international colleg ee maglda Bosaso (Sawiro)

?

Bosaso, Oct 12 – Dufcadii ugu horaysay ee kaqalan-jebisay Collegka Vision International Collage ee magaalada Bosaso ayaa maanta munsabad shahadoyin lagu gudoonsinayay lagu qabtay hoolka xafldaha ee jamacada Muqdisho laanteeda Bosaso.


Ardaydani oo isugu jiray wilal? iyo gabdho ayaa waxa ay muddo halsano ah barnayeen takhasusyo kalduwan .


Xafladda ardayda shahadada lagu gudoonsiinyay ayaa waxa kasoo qayb galay marti sharaf farabadan oo kadhex muuqdeen mamulka colleg-ka iyo masuliyiinta jamcadaha magalada Bosaso .


Ugu horayn waxa goobta hadal kajediyay mamulaha machadla Vission International Collage Maxamed Xasans waxana uu sikooban ugawaramay wakhtigii uu colleg-ku furnaa iyo marxaladihii usoo maray, isagoona tilmamay in ardaydani ay yihiin dafcadii ugu horaysay ee kaqalan-jebisay machadka.


Dhinaca kale mamulaha ayaa aradyda qalan-jabisay? kula dar darmay inay sii wataan waxbarshadoda islamrkasna ay kubiraan jamcadaha si’ay kor ugu sii qaadaan waxbarshadooda.


Mamulha jamacada Muqdisho? University faraca Bosaso Aadan Axmed Xuseen (Xerow) oo kamid ahaa masuliyiintii xafladda lagu casuumay ayaa isna goobata hadal kajediayay, isagoona umahad celiyay mamulka macalimiinta colleg-ka dadalkii ay usoo galeen ardaydani qalan jebisay.


Pro. xaero ayaa dhanaka kale kubogaadiyay ardayda qalan jebisay inay waxii ay barteen ay sii siyadsadaan si ay ugu anfacaan dalkooda iyo dadkooda .


Gabagabdii xafladda ayaa waxa soo xiray kormeeraha wasaaradda waxbarshada Puntland uqabilsan Gobalka Bari Muuse Jibriil isagoona kula dar darmay madaxda jamcadaha inay xojiyaan tayda waxbarshada .


Dhinaca kale? waxa uu sheegay in wasarda waxbarshada ay ka go’antahay inay tayeyso waxbrshada islamrkasna ay kago’an tahay inay talo iyo waxqabaad ay lagarab istaagto goobaha waxbarshada .


Sikastaba ha’ahatee xafladda ayaa waxa ay kusoo idlaatay jawi wanaagsan. waxaana ardayda lagadhehanyay wajiyadooda farxad iyo raynrayn .

Maxamed Saciid (Madani)

Radio Daljir, Bossaso.

\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"\"

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com