Dadka wadanka Maldives oo ka horyimid inqilaabka kadhacay dalkaasi

Male,Feb 9 -Kumanaan qof oo ah dadka wadanka Maldives ayaa mudaharaadyo waaweyn ka dhigaya xarunta dalkaasi ee magaalada Male, waxana ay ka horjeedaan inqilaabka lagu sameeyey madaxweynihii dalkaasi Maxamed Nashiid.

Dadka caabshada dhigaya ee qaaday jidadka magaalada Male ayaa ku baaqaya in madaxweynuhu uu dib u hanto awoodda dalka.

Ciidamada dowladda oo adeegsanaya sunta gaaska ah ee dadka ka ilmeysiisa ayaa isku dhacay mudaharaadayaasha,waxana sidoo kale la soo weriyey in ciidamadda ammaanku ay si xun ula dhaqmeen madaxweynaha xukunka ka degay .

Maxamed Nashiid ayaa ahaa hogaamiyihii ugu horeeyey ee si dimuquraadi ah loo doorto dalkaasi Jaziirada ah ee ku yaalla bad-weynta India ,waxana uu xilka ka degay salaasadii, kaddib markii ay gadoodeen ciidamada ammaanku, islamarkaana mudaharaadyo dowladada looga horjeedo ay asbuucyo ka sii socdeen dalkaasi.

Waraysi uu arbacadii shalaytoole siiyey warbaahinta ayuu Maxamed Nashiid ku sheegay in lagu qasbay in uu iscasilo si loga hortago dhiig badan oo daata.

“runtii tani waa inqilaab ,macne kasta ha ka yeesho meel kale ,waa inqilaab aan dhiig ku daadan , aniga ayaa diiday in aan ka qaybqaato, aniga ayaa diiday in aan difaaco jagadayda ,si aanu dhiig u daadan, aniga waa la ii hanjabay , ma doonayn in shacabkayga la toogto ma doonayo taasi? sidaasi ayuu madaxweynaha iscasilay ee Maxamed Nashiid ku sheegay waraysi arbacadii shaalytoole lala yeeshay.

Maxamed Nashiid ayaa doorashooyinkii sanadkii 2008dii ee dalkaasi ku bedelay Ma?muun C/qayuum , oo ahaa hogaamyihii dalkaasi muddo 30 sano ,waxana uu helay taageero caalami ah,isagoo ku caanbaxay u ololeynta isbedelka cimilada.

Ma?muun C/qayuum iyo taageerayaashiisa ayaa kaddib markii awoodda laga qaaday baaqi ku sii ahaa arimaha dalka Maldives ,waxana Maxamed Nashiid soo food saaray dhibaatooyin iyo caqabado ,kaddib markii uu amar ku bixiyey in la soo qabto garsoore lagu eedeeyey in uu ka mid ahaa ragii aadka ugu dhowaa hogaamiyihii hore,taasina ay keentay kacdoon ay sameeyaan taageerayaasha Ma?muun C/qayuu.

Axsaabta mucaaradka ayaa ku eedeeyey Maxamed Nashiid in uu ka dul tallaabsaday dastoorka,waxana mudaharaadyada sii kiciyey muxaafidnimada dhinaac diinta ah.

Abdirashid Musse
Daljir Bosaso.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com