Dadka la jiifa Cudurka Duumadda oo kusoo Badanaya Boosaaso (dhegayso)

Sanadkasta xiligan oo kale caalamka waxaa laga xusaa ciribtirka todobaadka duumada,taas oo lagu qabto magaalooyin kala duwan oo kuyaal dalka somaaliya.

Hay,ado caalami ah oo ay ka midtahay UNICEF ayaa daraasad ay smaeeyeen sanadkan waxa ay kusgeegeen in dadka cudurkan duumada udhintay caalamka ay gaarayaan 725,000 (Todoba boqol labaatan iyo shan kun) oo Qof.

Deegaanada Puntland Cudurkan aya waxa uu ka dilaacaa waqtiga qaboobaha , Bosaaso waxa ay ka midtahay meelaha ugu badan ee sanadkan dadka ay sooridatay kaneecada ay ujiifaan goobaha caafimaadka iyadoo aan horay loogabaran in ucudurkan uu kadilaaco maadaama ay tahay meel xeeb ah

Hadaba Sideese looga hortagi karaa duumada maadaama uu culays aad ah uu kuhayo bulshada kudhaqan Bosaaso ? maxaase looga baahnyahay bulshada si ay isga ilaaliyaan cudurka duumada? su,aalahaasi iyo kuwo kaleba waxaan hordhignay Cabdala Cabdirisaaq oo kumagac dheer jiindhe oo dhiinka kuliyada caafimaadka bulshada iyo quudinta ee jaamacada Culuumta caafimaadka ee Magaalada Bosaaso


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com