Dad xalay lagu dilay Qaybo kamid ah Degmada Jariiban iyo maamulka oo ka hadlay. (dhegayso)

Dablay Hubaysan ayaa xalay weerar ku qaaday dad reer miyi ah oo xiligaasi joogay gurigooda waxaana geeriyooday inta la xaqiijiyey 3 qof oo isku qoys ah waxaana sidoo kale dhawac soo gaaray mid kale.

Dablaydii dilkaasi ka danbaysa ayaa gabi ahaanba meesha isaga carartay kadib dilka waxaana halkaasi laga soo qaaday maydka sadexdii nin ee la dilay iyo dhawaca ninkale.

Dilkan ayaa ka dhacay Deegaanka Docolo ee Koonfurta magaalada Balibusle ee degmada Jariiban gobolka Mudug waxaana uu kusoo aadaya iyadoo dhawaan Dad xoolo dhaqato ah oo kala shakiyey sidan oo kale dagaal ugu dhexmaray sababayna dhimasho iyo dhawac.

Gudoomiyaha degmada Jariiban Maxamuud Maxamed Maxamuud ( Muufo ), ayaa tacsi u diray Ehelada dadkii lagu dilay weerarkaasi iyo kii ka horeeyey waxaana sidoo kale uu Baaq ugu diray shacabka gobolka Mudug inaysan Colaad kale abuurin.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com