Dad u geeriyooday cudur ku cusub bulshada oo ka dilaacay Isku-shuban

Dad u geeriyooday cudur ku cusub bulshada oo ka dilaacay Isku-shuban

Laba qof oo shacab ah ayaa u geeriyooday xanuun ku cusub bulshada oo ka dilaacay degaanka Timirshe ee degmada Isku shuban ee gobolka Bari.

Cudurkan ayaa waxaa u jiifa labaatan qof dad ka badan, sida radio Daljir uu u sheegay Abshir Aw Yuusuf oo ah guddoomiyaha deegaanka Timirshe.

Waxaa uu sheegay astaamaha cudurkan inay ka mid yihiin nabaro jirka kasoo baxay dadka, kadibna kusii fidaya, isagoona sheegay inaanu jirin wax xirfadle caafimaad oo deegaankaasi ka howlgala.

Gudoomiyaha ayaa sheegay cudurkan inuu yahay furuq ku dhaca dadka, waxaana dowladda uu ka codsaday inay kooxo caafimaadka deegaanka ay usoo dirto.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com