Dad rayid ah oo lagu dilay magaalada Gaarisa.

Garisa,Feb 4 -Kooxo hubaysan oo wajiyda soo duubtay ayaa habeenkii xalay fal dil ah ugu gaystay degmada Gaarisa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya dad shacab ah oo ku sugnaa goob lagu qaxweeyo.

Wararka aanu helayno ayaa sheegaya weerarkaasi inay ku geeriyooday laba qof ayna jiraan dad si xun ugu dhaawacmay weerarka oo xiligaan lagu daawaynayo xarumaha caafimaadka ee magaalada Gaarisa.

Booliska magaalada Gaarisa ayaa wada howlgal balaaran oo ay ku baadi goobayaan dadkii falkan ka dambeeyay,mana jirto wax war ah oo ay soo saareen oo ku’aadan in lasoo qabtay dadkii weerarkan gaytsay iyo in kale.

Diiwaanka Wararka
Daljir Boosaaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com