Dad ku dhaawacmay weerarkii Soobe oo dib loogu celiyay Muqdisho

Dad ku dhaawacmay weerarkii Soobe oo dib loogu celiyay Muqdisho

Todobo iyo labaatan ka mid ah dhaawacyadii weerarkii Soobe ee 14kii October ee sanadkii hore kadhacay magaalada Muqdisho ayaa dib dalka loogu soo celiyay.

Dadkan ayaa lagu soo daweeyay wadanka Suudaan oo ay gurmad caafimaad ay ugu fidiyeen dowladaha Suudaan iyo Imaaraatka Carabta.

Weerarkii Soobe ayaa waxaa ku nafwaayay sadex boqol dad gaaraya, iyadoo inka badana ay ku dhaawacmeen.

Dadka dib loo soo celiyay ayaa xaaladooda caafimaad ay soo hagaagtay, iyagoona u mahadceliyay dowladihii usoo gurmaday.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com