Dad kasoo barakacay colaadda Shabeelada hoose oo gaaray Muqdisho

Dad kasoo barakacay colaadda Shabeelada hoose oo gaaray Muqdisho

Maamulka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir ayaa sheegay inay soo gaareen deegaankaasi dad badan oo kasoo barakacay colaadda gobolka Shabeelada hoose iyo duqaymaha diyaaradaha aan duuliyuhu saarnayn ee Mareykanku ay ka wadaan gobolka.

Maamulka ayaa sheegay inka badan kun qoys inay saacadihii lasoo dhaafeen soo gaareen degmada kuwasi oo badankood kasoo barakacay deegaanada Bariire iyo Basra oo katirsan gobolka Shabeelada hoose.

Dadkan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay haysan hu iyo hoy ay gabaad kaga dhigtaan cadceedda iyo roobka, iyagoona codsaday in wax loo qabto.

Duqaymaha diyaaradaha aan duuliyuhu saarnayn ee gobolada Koonfurta Soomaaliya ayaa mararka qaar waxaa dhibaato ay kasoo gaartaa dadka rayidka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com