Dad ka badan 100 Qof oo lagu Dilay weerar ka Dhacay Paris

Somalia, November 14, 2015 (Daljir) —Baliiska dalka Faransiiska ayaa sheegay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen weeraro isxig-xiga oo ka dhacay caasimada Paris. Halkan kala soco wararkii ugu dambeeyay.

05:50 SGA: Seddax kamid ah dablayda way is qarxiyeen halka midka afaraadna la toogtay

05:20 SGA: Booliska waxa uu sheegay in dhamaan raggii ku lug lahaa qaraxyada iyo rasaasyanta ay dhinteen.

04:20 SGA: Belgium waxay sheegtay in ay adkaysay xadkeeda kadib weerarka Paris.

04:07 SGA: 1,500 oo askeri ayaa la geeyay caasimadda Paris kadib weerara sababay dhimashada in ka badan 100 qof.

04:03 SGA: Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dhamaan iskuulada iyo jaamacadaha Paris la xiri doono barito.

Illaa iyo hadda waxaan oghnahay:

·         Ugu yaraan140 qof ayaa lagu dilay weeraro lo adeegsaday rasaas iyo qarxyo ka dhacay dhowr meelood oo caasimadda Paris ah

·         100 qof oo ka mid ah dadkaasi waxa ay ay ku dhinteen goobta acwayska Bataclan.

·         Weerarada kale waxa ay ka dhaceen garoonka kubadda cagta ee Paris iyo muqaayad ku taalo waqooyiga Paris

·         Faransiiska waxaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah, xaduudaha dalkane waa la xiray.

·         Dadweynaha Paris waxaa loo sheegay inaysan guryahooda ka bixin.

03:49 SGA: Qaar kamid ah shirkadaha diyaaradaha Maraykanka ayaa dib u dhigay duulimadyadii ay ku tagi lahaayeen Paris.

03:37 SGA: Tirada dhimashada ee illaa iyo hadda la ogyahay waa 140 qof. Goobta cawayska ee Bataclan oo kali ah 100 qof ayaa ku dhimatay, halka 40-ka kalena ay ku dhinteen goobo kala duwan.

03:30 SGA: Weriye ka tirsan BBC-da oo joogto agagaarka goobta cawayska ee Bataclan ayaa sheegtay in haddii la xaqiijiyo in 100 qof ay ku dhinteen goobtaasii oo kali ah ay noqon doonto xaqiiqo kharaar oo Faransiiska u baahnyahay in uu liqo.

03:20 SGA: Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in 100 qof ay ku dhinteen goobta cawayska Bataclan oo dablay hubaysan ay dad afduub ugu haysteen- Reuters.

03:19 SGA: Madaxweyne Hollande ayaa baajiyay safar uu ku tagi lahaa Turkiga si uu uga qaybqaato kullan madaxeedka G20.

03.14 SGA: TV laga leehay Faransiiska BFM TV ayaa ku waramay in baliiska howlgalada gaarka ah ay dileen 2 kamid ah dablaydii dadka afduubka ugu haystay goobta cawayska ee BataclanFaahfaahin intaa dheer lama sheegin.

03:10 SGA: Masuuliyiinta Maraykanka waxa ay sheegeen in ay aaminsanyihiin in weerada Paris ay yihiin kuwa la soo agaasimay

03:05 SGA: Booliska waxa uu sheegay in uu soo idlaaday howlgal ay ku doonayeen in ay ku soo furtaan dadkii lagu haystay Bataclan-Reuters

02: 55 SGA: Baliis dheeraad ah ayaa gaaray Bataclan oo illaa 100 afduub loogu haysto

Image copyright AFP

02:50 SGA: Weerarka ugu wayn waxa uu ka dhacay xarunta Bataclan oo markaasi lagu daawanayay riwaayad.

02:44 SGA : Obama waxa uu sheegay in weeraradaasi looga gol leehay in lagu argagixiyo dadka rayidka ah.

02:41 SGA: Mid kamid ah dadkii ku sugnaa goobta lagu caweeya ee Bataclan ayaa BBC-da u sheegay in rag hubaysan oo ku qaylinaya ”Allaahu Akbar” ay soo galeen dhismaha. wuxuu sheegay in uu arkay maydadka 15 qof.

02:40 GSA: Dadweeynaha Paris waxaa loogu baaqay in ay guryahooda ka soo bixin.

02:37GSA: Baliiska ayaa sheegay in ugu yaraan 2 qof ay isqarxisay. Waxaana bambaano lagu tuuray garoonka cayaaraha Paris oo ay markaasi ka socotay cayaar saaxiibtinomo oo dhaxmaraysay kooxaha qaranka Farnsiiska iyo Jarmalka.

02:33 SGA: Qaraxyo dheeraad ah ayaa laga maqlayaa mid kamdi ah goobaha la weeraray Bataclan oo illaa 100 qof ala aaminsanyahay in afduub loogu haysto.

02:30 SGA: Madaxweynaha dalka Faransiiska Hollande ayaa ku dhawaaqay xaalad deg deg ah, waxaana la xiray xaduudaha dalka Faransiiska.

02:20 SGA: Rasaas iyo qarxyo ayaa ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Paris.

X. BBC

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com