Dad Baabuur La Jiirsiiyey iyo Fal Naxdin Badan oo Kadhacay Charlottesville (Sawirro)

HomeWararka

Dad Baabuur La Jiirsiiyey iyo Fal Naxdin Badan oo Kadhacay Charlottesville (Sawirro)

Qof ayaa ku dhintay ku dhawaad labaatan kalena waay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey kooxo iska soo horjeeday oo ku banaanbaxayey ma

Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Xulashada Daljir & Cabdixakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Muqdisho: Xaflad Aroos ah oo goobtii ay ka socotay qeyb ka mid ah duntay Muqdisho

Qof ayaa ku dhintay ku dhawaad labaatan kalena waay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur la jiirsiiyey kooxo iska soo horjeeday oo ku banaanbaxayey magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia dalka Maraykanka

Waxaa soo qaban qaabiyay dibed-baxa kooxaha cadaanka xag-jirka ah ee ay ku weyntahay caddaannimada, halka kooxda kalana ay ahayd dadka kasoo horjeeda fikirka kooxdaas ee cunsurinimada ku dhisan.

Muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya baabuur si xowli ah ku socday oo jiiraya dad farabadan oo ku socday waddo ay dhinacyada kaga tixan yihiin guryo.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qofka watay baabuurka uu dadka sameynayey banaanbaxa jiirsiyey wax ka badan ka badan laba jeer.

Booliska Virginia ayaa sheegay inay xireen darawalkii waday baabuurka isla markaana ay ula dhaqmayaan arrintani baaritaan danbi dil ah.

Duqa magaalada Charlottesville Mike Singer ayaa hadal uu ku qoray bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu ka naxay dhimashada ka dhacday magaalada. Wuxuuna dadka ugu baaqay in ay guryahooda aadan.

Gudoomiyaha gobolka Virginia Terry McAuliffe ayaa gabaldhici shalay xiliga Mareykanka ku dhawaaqay in magaalada Charlottesville lagu soo rogay bandow.

Goor sii horeysayna rabshado ayaa ka qarxay magaalada Charlottesville ka dib marki ay isku dhaceen kooxo dibad baxayey oo iska soo horjeeda.

Banaanbaxan oo markii danbe la joojiyey ayaa waxaa soo qabanqaabiyey koox u dhaq-dhaqaaqda qaar ka mid ah bulshada cadaanka Mareykanka ee aaminsan in ay ka sarreeyaan qowmiyadaha kale.

Dadkan ayaa ka careysnaa tallaabo uu maamulka magaalada ku dajinayo taalada General Robert E. Lee oo ahaa Jeneraal hogaaminayey garab ka mid ah dhinacyadi ku dagaalamay dagaalkii sokeeye ee Mareykanka ka dhacay inti u dhaxeysay 1861-65, waxaana Jeneraalka uu taageersanaa inuu sii jiro adoonsiga dadka madow.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo ka hadlay rabshadaha ka dhacay gobolka Virginia ayaa cambaareeyey, isagoo ku tilmaamay wixi ka dhacay bandhig naceyb aad u liita oo xambaarsan casabiyad qalalaase iyo ilbaxnimo xumo.

Dhinaca kalana, diyaarad helicobter ah oo ay leeyihiin ciidanka booliska Virginia ayaa ku soo dhacday duleedka magaalada ay rabshaduhu ka dhaceen. Shilkaasi ayaa waxaa ku dhintay laba ruux oo uu ku jiray duuliyihii diyaarada, lamana faahfaahin waxa sababay

SAWIRRO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: