Dacwadii loo haystay Ninkii fuliyay weerarkii Masjidka Al-Nuur ee New Zealand oo dib loo dhigay

Dacwadii loo haystay Ninkii fuliyay weerarkii Masjidka Al-Nuur ee New Zealand oo dib loo dhigay

Makamada sare ee dalka New Zealand ayaa maanta dib udhigtay dacwadii lagu soo oogay eedeesane Brenton Tarrant oo ahaa nikii magaalada ChristChuirch toogashada ugu gaystay 49 qof oo Muslimiin ah oo ku tukanayay Masjid Al-Nuur ee magaalada ChristChuirch.

Ninkan oo 28 sano jir aha ayaa ka soo muuqday Maxkamada isagoo xiran dharka cad cad ee maxaabiisata, waxaana sidookale la socday oo ay ciidamada Boolisku qabteen ilaa iyo sadax qof oo kale oo ay baaristu ku socoto.

Xeer ilaalinta Maxkamada ayaa Ninkan ku soo oogtay in uu dil arxan daro ah uu ugaystay dad Muslimiin ah

Dhagaysiga garmaqalka Maxkamada kadib ayaa garsoorihii Maxkamada waxa uu go,aan ku gaaray in dib laysugu soo laabto 5ta bisha April.

49ka qof ee weerarkan ku dhintay ayaa 4 kamid ah waxa ay ka soo jeedeen dalka Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com