Dacwaddii khilaafka madaxwaynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa oo la mudeeyey

Dacwaddii khilaafka madaxwaynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa oo la mudeeyey

Maxkamadda sare ayaa maalinta beri u yeertay qareenada kala difaacaya madaxwaynaha Puntland iyo kuxigeenkiisa inay yimaadaan xarunta maxkamadda ee magaalada Garoowe.

Qoraal uu ku saxiixanyahay guddoomiye kuxigeenka maxkamadda sare Puntland ayaa la faray qareenadu inay beri subaxii maxkamadda soo gaaraan.

Guddiga xalinta khilaafaadka ee baarlamaanka ayuu salka ku hayaa kiiska maxkamadda ee madaxda Puntland, kadib markii guddiyo iska soo horjeedo ay magacaabeen, waxaana arrintan maxkamadda u gudbiyay madaxwayne kuxigeenka Puntland Cabdixakiin Camay.

Hoos ka akhriso

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com