Dacwad ka dhan ah madaxwaynaha Puntland oo loo gudbiyay maxkamadda sare Puntland

Warar xog ogaal ahi oo Radio Daljir uu helayo ayaa sheegaya maxkamadda sare ee Puntland in loo gudbiyay dacwad ka ah madaxwaynaha Puntland oo uu gudbiyay madaxwayne kuxigenka Puntland.

Dacwadan ayaa salka ku haysa magacaabista guddiga xalinta khilaafaadka ee baarlamaanka ee dowladda Puntland oo madaxwayne kuxigeenku ka horyimid guddigii madaxwaynaha uu magacaabay.

Sarkaal katirsan maxkamadda sare Puntland ayaa Radio Daljir u xaqiijiyay jiritaanka warkan, waxaana uu sheegay maadaama Puntland aysan lahayn maxkamaddii dastuuriga ee khilaafaadka noocan oo kalle xalin lahayd, ay shaqadeeda ay qabanayso maxkamadda sare ee Puntland.

Waxaa uu intaasi ku daray labada madaxwayne inay diyaarsadeen qareenadii difaaci lahaa go’aamadooda.

Waa markii ugu horaysay Puntland khilaaf uu soo kala dhexgalo madaxwayne iyo kixgeenkiisa, iyadoona dhanka kalle Puntland ay ku jirto ololihii doorashada.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com