Dabley Oromo oo shacab Soomaaliyeed ku laayey qabalaha Sandacarre ee Tuli Guuleed

Dabley Oromo oo shacab Soomaaliyeed ku laayey qabalaha Sandacarre ee Tuli Guuleed

Dablay Oromo oo hubaysan kana timiday dhanka magaalada Jinacsani ee Oromia ayaa waxay laba qof ku dileen qabalaha Sandacarre ee degmada Tuli Guuleed. Labada qof ee dablaydu dishay ayaa mid dumar tahay lagu magacaabo Xaawo Aw-Yuusuf, halka qofka labaadna uu yahay wiil lagu magacaabo Aadan Cusmaan Yuusuf.

Dablayda Oromada ayaa ku dhuuntay beeraha Sandacarre ahna meesha ay shacabka ku laayeen.

Shalay ayey sidoo kale dablaydu duleedka magaalada Jinacsani waxay ku dileen Cali Ibraahin Luugo
oo safar ahaa kana yimid dhanka magaalada Tuli Guuleed.

Raadka dablayda dil kabacdi ayaa lagu sheegay in uu ku laabtay dhanka magaalada Jinacsani ee Oromiya.

Degmooyinka Jinacsani iyo Baabili ayaa hore Soomaalida loo gala wareegay 14 sano kahor oo hadda waa deegaan Oromo, waxaana  si toos ah Oromada ugu wareejiyey Madaxweynihii xilligaas ee Kililka Soomaalida Madaxweyne  Cabdi Jibril.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com