Site icon Radio Daljir

Labo Ruux waa lagu Dilay Labana waa Dhaawac Weerar Ballibusle

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa weerar fiidnimadii xalay kooxo hubaysan oo la rumaysan yahay inay ka soo jeedaan dhanka maamulka Galmudug ay xalay ku qaadeen deegaanka Balli-busle ee gobolka Mudug.

Malayshiyaadka hubaysan oo si dhaqso ah ku soo galay magaalada ayaa waxa ay weerar ku qaadeen goobo ay ku cawaynayeen dadka deegaanka, halkaasi oo ay ku dileen labo nin ayna ku dhaaweceen hal ruux.

Majiro wax iska hor-imaad ah oo dhexmaray kooxda weerarka soo qaaday iyo dadka deegaanka, waxaana saaka siweyn loo hadal hayaa u jeedada weerarkaasi.

Dhowaan ayey ahayd markii ay dhowr ruux ku dhaawacantay dagaal u dhexeeyey xoola dhaqato kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug oo ka dhacay deegaan 45KM u jira Balli-busle.

Exit mobile version