Dablay hubaysan oo caawa bililiqaysatay hantidii shirkada Golis qaybteeda adeega Sahal ee koonfurta Gaalkacyo.

Gaalkacyo, Nov, 24 ? Burcad ku hubaysan qoryo ayaa caawa dhacay hanti maaliyadeed oo ay lahayd shirkada isgaarsiinta Golis qaybteeda adeega Sahal ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in irida hore ee shirkada lagu dhaawacay waardiyihii xaruntaasi, kaddib markii ay rasaas la beegsadeen burcaddii boobtay hantidii shirkadaasi.

Xarunta shirkada Golis qaybteeda adeega Sahal ee caawa dhaca loo gaystay ayaa ku taala koonfurta magaalada Gaalkacyo. Mana jirto wax war ah oo illaa xilligaan ka soo baxay maamulka Galmudug ee ka arrimiyaha xaafada Wadajir ee koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Sanadkaan guddihiisa ayay ahayd markii dablay hubaysan ay sidaasi oo kale dhac u gaysteen xawaalada Qaran Express oo dagan agagaarka iskuulka ummadda ee xaafada Garsoor.

Waa falkii ugu horeeyay oo la xiriira arrimaha nabad-galyo darada oo ka dhaca xaafada Wadajir ee uu ka arrimiyo maamulka Gal-mudug, tan iyo markii ay bilaabatay hawlaha lagu dabar-goynayo masuuliyiinta Puntland ee gobolka Mudug, iyo indheer-garadka Gaalkacyo.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com