HomeUncategorized

Dab ka kacay mid kamid ah Guryaha Bosaaso oo Afar Qof dilay

Axad, Luuliyo 12, 2015 (Daljir) — Kaam ku yaala magaalada Bosaso oo lagu magacaabo 55-aad ee xiga dhanka badda ayaa waxaa ku geeriyootay 4 qof oo hal qoys ka soo jeeda, kadib markii gurigii ay degnaayeen uu ka kacay dab xoogan.

DHEGEYSO-Darawaliinta Boosaaso oo ka cabanaya burburka wadooyinka magaalada.
Wasiirka gaashaandhigga ee dawlada federaalka oo Doolaw u tagay siidaynta xildhibaan Barre Hiiraale
DHEGEYSO-Madaxweynaha maamulka gobolada dhexe oo eed kulul ujeediyey DFS.

Axad, Luuliyo 12, 2015 (Daljir) — Kaam ku yaala magaalada Bosaso oo lagu magacaabo 55-aad ee xiga dhanka badda ayaa waxaa ku geeriyootay 4 qof oo hal qoys ka soo jeeda, kadib markii gurigii ay degnaayeen uu ka kacay dab xoogan.

Aabe, wiil uu dhalay, xaaskiisa iyo wiil la dhashay marwadiisa ayey ahaayeen dadka ku dhintay guriga uu dabka qabsaday xiliga uu dabka ka kacay guriga ayey ahayd salaadii subax kadib, xiligaasi oo ay hurdayeen reerka waxaana guriga ay daganaayeen dadkaan uu ka samaysnaa boco iyo kartoomo.

Qof walb meeshii uu u jiifay ayey nafta kaga baxday, mana jrin cid ka soo toostay meeshii ay jiiftay, arinkaan waa mucjiso, lamana yaqaan sida uu damba uga kacay guriga ayuu yiri Cabdiqaadir oo ka mid ahaa dadkii goobta isugu soo baxay .

Si kastaba ha ahaatee shacabka reer Bosaso ayaa arinkan waxa ay ku noqotay mucjiso, waana markii ugu horeysay ee fal noocaan oo kale ah uu ka dhaco Bosaso sanadkan aynu ku jirno ee 2015.

Magaalada waxaa ka jira dabaylo xoogan, waana xiliyadii inta badan ay guban jireen kaamamka ku yaala magaalada, inkastoo intoo badan xeryahaasi laga sameeyey guryo ka sameysan jiingado

 

By: Jaamac Abdurahman

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: