Dab ka kacay Bakhaarka Lagu Kaydiyo Waraaqaha Doorashada ee Ciraaq

HomeWararka

Dab ka kacay Bakhaarka Lagu Kaydiyo Waraaqaha Doorashada ee Ciraaq

Dab ayaa ka kacay Bakhaarka ugu weyn ee la dhigo Waraaqaha codeynta doorashada dalka Ciraaq,waxaana la sheegayaa in la xameeyay dabka. Guddiga Door

Dowladda Puntland oo raali galin ka bixisay hadal dhawaan Madaxweyne gaas uu ka jeediyay Gobolka Sanaag : Akhriso
Xulashada Daljir & Cabdixakiim Xuseen, Daljir Garoowe (dhegayso)
Madaxda Qaranka ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada ku tukaday AUN Cabdullaahi Shirwac

Dab ayaa ka kacay Bakhaarka ugu weyn ee la dhigo Waraaqaha codeynta doorashada dalka Ciraaq,waxaana la sheegayaa in la xameeyay dabka.

Guddiga Doorashada Ciraaq ayaa loogu baaqay in dib loo tiriyo,xilli dabka si lama filaan ah uga kacay Bakhaarka la dhigo waraaqadaha codeynta doorashada.

Codadkii laga dhiibtay doorashadii ka dhacday deegaanka bari ee magaalada caasimadda ah ee Baqdaad ayaa lagu hayay bakhaarkaas.

Saraakiishu waxay sheegeen in laga yaabo in waraaqaha coddayntu ay ku jireen bakhaarka gubtay balse intooda badan aysan waxba soo gaarin.

Doorashadii baarlamaanka ee bishii hore waxaa ku guulaystay is bahaysi u hogaaminayo wadaadka Shiicada ah ee Muqtada Sadr.

Waxaa jirta dood ku saabsan in ay wax isdabomarin dhacday, baarlamaanka wakhtigiigu sii dhamaanayo ayaana amray in dib loo tiriyo ilaa 10 milyan oo cod.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in la xaqiijiyay in dabku uu ka kacay mid ka mid ah labadii bakhaar ee waraaqaha lagu codeeyay ku jireen.

Lama oga waxyaabaha sida rasmiga ah u sababay dabka ka kacay Bakhaarka lagu hayo Waraaqaha codeynta Doorashada,iyadoo dhanka wax war ah ka soo bixin Dowladda Ciraaq oo ku aadan dabkan kacay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: