Dab gaystay khasaare isugu jira mood & noole oo xalay qabsaday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Muqdisho, Feb 03 ? Dab aad u xooggan ayaa xalay fiidkii qabsaday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ka kacay meel shidaalka lagu iibiyo oo ku dhex taalla bartamaha suuqa Barkaaraha.

Inta la og yahay illaa 3 qof ayaa ku dhintay dabkaasi xalay, waxaana sidoo kala la tilmaamayaa in ay ku waxyeelloobeen dad gaaray illaa 6 qof sida ay idaacadda Daljir u xaqiijiyeen dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa suuqa Bakaaraha

Dabka oo aad u xoogganaa, soconayeyna muddo saacado ah ayaa sidoo kala waxaa ku basbeelay hanti aad u tiro badan, gaar ahaan shidaal yaallay halka dubku uu ka holcay, waxaana dabku ku sii fiday saamayn weynna uu ku yeeshay qaybaha kale ee suuqa gaar ahaan qaybta daawooyinka.

Ma cadda illaa haatan sababta dhabta ah ee ka danbaysay gubashada suuqa Bakaaraha gaar ahaan halka xalay basbeeshay ee qaybtaa shidaalka, waxaana dad goob joogayaal ahina idaacadda Daljir u sheegeen intii aan holaca dabka la arag in la maqlayey sharxanta qarax ka dhacay meel ku dhaw halka dabku qabsaday.

Wali si rasmi ah looma xaqiijin karin tirada nafeed iyo midda hantiyeed ee ku gubatay dabkii xalay, hase ahaatee waxaa la xaqiijiyey dhimashada saddex qof iyo dhaaawax 6 kaleeto, iyadoo sidoo kalena ay gubteen illaa 91 fuusto oo shidaal ah.

Dhawr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale dab xooggani uga kacay suuqa Bakaaraha, inta badanna waxaa yar gurmadka iyo gar gaarka loo fidin karo goobaha dabku qabsado ee ku yaalla suuqa Bakaaraha si loo badbaadiyo hantida, waxaana caqabadaha ugu weyni ay yihiin ammaanka oo xun iyo suuqa oo aan lahayn waddooyin fiican oo ay gali karaan gaadiidka gurmadku.

C/fitaax Cumar Geeddi,
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com